• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, May 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Hay’adda CCA oo dugsi wax lagu barayo Haweenka ka hirgelisay Xabsiga dhexe ee Muqdisho+Sawirro

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 22, 2015
in Warar
Reading Time: 10 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Munaasabad lagu daah-furayey Dugsi wax lagu bari doono Haweenka maxaabiista ah ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Xabsiga Dhexe ee magaalladda Muqdisho.

Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA ayaa maalgelisay dhismaha Dugsigaasi, kadib, markii ay arkeen baahida loo qabo inay Maxaabiista helaan Waxbarasho inta ay ku jiraan Xabsiga.

Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Somalia, Marwo Sahra Maxamed Cali Samantar oo ka hadashay Munaasabadda, ayaa ku ammaantay dadaalka ay Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA ugu jirto Horumarinta Nolosha Bulshadda.

Waxay kaloo ugu baaqday Dhallinyarrada Soomaaliyeed in ay ka tusaale qaataan Hay’adda CCA, isla markaana ay kaalin ka qaataan Mashruuca ”Dib-u-dhiso Dalkaaga”.

Marwo Sahra Maxamed Cali Samantar waxay kaloo sheegtay inay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka diyaarinayso Sharciga Xuquuqda  Gabdhaha Soomaaliyeed, iyadoo xustay in ay tacadiyo badan loo geysto gabdhaha, isla markaana lagu xadgudubo Xuquuqdooda.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa isagana ka hadlay Munaasabadda lagu furayey Dugsiga wax lagu bari doono Gabdhaha Maxaabiista ah, wuxuuna sheegay inay tallaabo wanaagsan in xarun Waxbarasho loo furo Maxaabiista, si sare loogu qaado Aqoontooda.

Waxa kaloo uu u mahadceliyey Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA, kuna bogaadiyey Fikirka Wanaagsan ee ay ku soo kordhiyeen Horumarinta Aqoonta Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalladda Muqdisho.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu xusay in horumar laga gaaray “Mashruuca Dib-u-dhiso Dalkaaga”, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed aad u fahmeen Waddaniyadda iyo inay u midoobaan Dib-u-dhiska Dalka Hooyo.

Waxa uu intaasi ku daray in Mashruucaasi mid la mid ah la hirgelinayo kaas oo uu ugu yeeray  “U hiili Sharciga”, si ay Bulshadda u fahmaan Muhiimadda Sharciga u leeyahay Qaranka.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac ayaa isagana ka hadlay Munaasbaadda, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey xaalladda iyo nolosha Maxaabiista iyo Tallaabooyinka lagu horumarinayo Dhismaha Xabsiga.

Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac, waxa uu u mahadceliyey Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA, Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib” oo uu xusay inuu yahay Halyeey Qaran oo Aqoontiisa iyo Xooggiisa ugu adeegayo Ummadda Soomaaliyeed .

Waxa uu intaasi ku daray in uu Guddoomiyaha CCA muddo Kooban gudaheeda ku hirgeliyey codsiga ay Ciiddanka Asluubta Soomaaliyeed u gudbiyeen oo  ku aadanaa Dhismaha Dugsi wax lagu baro Gabdhaha Maxaabiista ee ku xiran Xabsiga Dhexe.

“Hay’adda Wacyi-gelinta bulshadda ee CCA waxay muddo isbuuc ah ku fuliyeen codsiga ku aadan dhismaha Dugsiga u gaarka ah Gabdhaha Maxaabiista” ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciiddanka Asluubta Soomaaliteed, Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac, oo hoosta ka xariiqay haddii Hay’adkale  lala kaashan lahaa dhismahaasi inay muddo saddex ah ku qaadan lahayd si ay uga soo jawaabaan codsigaasi.

Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac, waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan Dowladda Dhexe ama Dowladda Hoose ama Hay’ad kale wax kharaj ah ku biirinin dhismaha iyo qalabaynta Dugsiga ay Hay’adda CCA ka hirgelisay gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Center for community Awarness (CCA), Maxamed Ibraahim Cali “Cajiib”  ayaa ka hadlay Munaasabadaasi, waxaana uu ugu horreyntii u mahadceliyey Taliyaha Ciiddanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac oo  dadaal xooggan ugu jira Horumarinta Nolosha Maxaabiista.

Guddoomiyaha Hay’adda CCA, Maxamed Ibraahim Cali “Cajiib”  waxa uu faahfaahin ka bixiyey in Dhallinyarradda ka tirsan Hay’adda CCA iska soo ururiyeen Kharajka lagu dhisay, laguna qalabeeyey Dugsiga u gaarka ah Gabdhaha Maxaabiista.

“Shaqaalaha Hay’adda CCA ayaa iska soo ururisay Kharajka lagu hirgeliyey Dhismaha, mana jirto Hay’ad ama Dowlad gaar ah oo Hay’adda CCA  taageero ka siiyey fulinta Dugsiga u gaarka ah Gabdhaha Maxaabiista” ayuu yiri Maxamed Cajiib oo intaasi ku daray in ay Hay’adda CCA leedahay Fikirka, maalgelinta iyo Hirgelinta Dhismaha Dugsigaasi.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay Hay’adda CCA ku faraxsan tahay Hirgelinta Dugsigaasi, isla markaana ay qorsheynayaan inay Xabsiga Dhexe ee Xamar ka hirgeliyaan Dugsi u gaar ah Ragga Maxaabiista, si kor loogu qaado Aqoontooda.

Waxa uu tilmaamay in marka uu qofku aqoon leeyahay inuu garan karo Jihadda Fiican ee Nolosha, balse marka uu qofka jaahil yahay uu had iyo jeer galayo falal dembiyeedyo ama uu noqanayo qof aan mustaqbal lahayn.

Guddoomiyaha Hay’adda CCA, waxa uu sheegay inay Barayaal ka tirsan JaamacaddaSomaville wax bari doonaan Maxaabiista ku xiran Xabsiga, iyadoo Maxaabiista lagu qiimeynayo Heerkooda Waxbarasho.

Dhinaca kale, Munaasabadda lagu furayey Dugsiga u gaarka ah Haweenka Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalladda Muqdisho waxaa  lagu casuumay Ifraax Axmed oo ah Halyeeyad u dooda Xuquuqda Aadanaha, isla markana loo aqoonsaday U-ololeeyaha Xuquuqda Aadanaha ee  Qaaradda Afrika ee sannadkan 2015-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda ay Madaxda iyo Shaqaalaha Hay’adda Wacyi-gelinta bulshadda ee CCA ku taabageliyeen Dugsiga wax lagu barayo haweenka ku xiran Xabsiga Dhexe ayaa aad loogu riyaaqay, waxayna Hay’adda CCA ku kasbatay  sumcad iyo guul fulinta Mashruucaasi muhiimka ah,  iyagoo aan wax kaalmo ah ka helin Dowladda Dhexe ama Dowladdo iyo Hay’addo  kale.

IMG_4892 IMG_4888 IMG_4885 IMG_4864 IMG_4853 IMG_4815 IMG_4807 IMG_4753 IMG_4741 IMG_4673 IMG_4643 IMG_4546 IMG_4527 IMG_4470 IMG_4438 IMG_4401 IMG_4853

WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed,

Dalsan Radio

Previous Post

UN Special Representative welcomes the swearing-in of members of the parliament of the new Galmudug Interim Administration

Next Post

Dhageyso: Barnaamijka Tartan Aqooneedka Degmooyinka Ee Radio Dalsan 22-06-2015

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Next Post

Dhageyso: Barnaamijka Tartan Aqooneedka Degmooyinka Ee Radio Dalsan 22-06-2015

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00