Dagaal Beeleed Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Sool

Wararka naga soo gaarayo gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Dabo taak oo Koonfur ka xiga magaalada Laas caanood ee gobolkaas ayaa ku waramaya in maanta haalkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed wada daga deegaanka.

In ka badan 10 ruux ayaa la soo wariyey inay ku dhimatay dagaalka oo la sheegay inay u badnaayeen dhinacyadii dagaalamay, halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan intaasi.

Maalmihii aano soo dhaafnay deegaanka Dabo taak ee Sool waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxeyso beelo halkaasi wada dag oo isku heesta dhul daaqsin, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in arrimo siyaasadeed la’iski hayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media