Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta ansixiyey Miisaaniyadda sanadka 2023

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Tobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada  Puntland oo ka qabsoomay magaalada Garoowe.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda 2023, Mashaariicda Bangiga Adduunka, Hay’adda baarista Hidda-sidaha, dardargelinta Doorashooyinka iyo warbixinta safar Wasaaradda Ganacsiga ku tagtay Gobolka Mudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey Miisaaniyada Maamulka ee Sanadka 2023 taasi oo dhan $376,699,825, iyada oo boqolayda kororku yahay 6% marka la bar-bar dhigo sanadkii hore.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xubnaha Wasiirada ah ee Maamulka faray inay dardar-geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee hoyaalla, looga baahan yahay inay qabtaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor