Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Caawa shir aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay, isla markaana waxaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Maamulka ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037.
“Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19” Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
“Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021, waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda” ayaa la sii raacsiiyay Qoraalka.