Faah faahin kasoo baxeysa Gantaallo Caawa lagu weeraray Magaalada Asmara

Dhawaqa Gantaallo dhowr ah ayaa fiidnimadii Caawa laga maqlay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya, kuwaasi oo ku dhacay qeybo kamid ah Magaalada, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Ilaa iyo saddex Gantaal ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Asmara gaar ahaan halka ay diyaaradaha Caga-dhigtaan ee Runwayga iyo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dowladda.

Dad ku sugan xaafado dhow halka ay ku dhaceen Gantaallada ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay in mar qura ay maqleen jugta Gantaallo, isla markaana ay aaga isaga tageen, iyagoona aaday goob ammaan ah.

Macada inuu jiro khasaaro ka dhashay Gantaallada Caawa ku dhacay qeyb kamid ah Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya, sidoo kalena ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay dowladdaas oo ay uga hadlayaan falkaas dhacay.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo saacado kahor Madaxda Gobolka Tigree-ga ay ku hanjabeen in weerar loo adeegsanayi Gantaalko ku qaadi doonaan Eratariya, iyagoona ku eedeeyay inay ka qeyb qaadatay dagaalka khasaaraha geystay ee ka socda dalka Itoobiya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media