Golaha Wasiirada Puntland oo Caawa ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2021

Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Caawa shir aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay, isla markaana waxaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Maamulka ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037.

“Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19” Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

“Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021,  waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda” ayaa la sii raacsiiyay Qoraalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media