Qaar ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446 Hijriya ayaa si nabad ah u gaaray dalka Sucuudiga, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Sanadkan, tirada guud ee xujeyda Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay 11,500 oo ruux, kuwaas oo ka ambabaxaya garoomada diyaaradaha magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyadoo socdaalkooda xajka uu socon doono ilaa 31-ka May.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa, iyadoo kaashaneysa Guddiga Xajka iyo Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga, dadaal ugu jirta in xujeyda Soomaaliyeed ay si habsami leh u gutaan waajibaadkooda xajka ee sanadkan.
Mas’uuliyiinta howlgalka xajka ayaa tilmaamay in sannadkan la dardargeliyay adeegyada loo fidinayo xujeyda, si ay ugu gutaan cibaadadooda si nabadgalyo iyo fudayd leh.