Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland kadib tartan adag oo dhex maray Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye.
Cabdirisaaq ayaa helay codad gaarayo 42 cod, waxaana sidoo kale 39 cod helay Yaasiin Xaaji Maxamuud faratoon oo la tar-tamayay, kaasi oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha dibadda Somaliland.