Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay tuulooyin hoostaga ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi ku dagaalameen dad Beeraley ah iyo Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.
Qof ka mid ah dadka ku nool degmada Mahadaay ayaa Dalsan u sheegay in tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla Mahadaay uu dagaal culus ku dhex maray Ciidamada Shabaab iyo dadka Beeralaeyda ah.
In kastoo uusan shaacin waxyaabaha sababay dagaalkaas, hadna waxa uu sheegay in rasaasta ay isku ridayeen ay maqlayeen isla markaana aysan xaqiijin Karin khasaaraha uu geestay dagaalkaas.
Lama oga sida oo kale waxa uu salka ku hayo dagaalkaas,waxana sidoo kale ka hadlin Maamulka degmada Mahadaay oo deegaanada lagu dagaalamayo ay hoostagaan