Warar ay ku soo qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay sinabadgelyo ah kula wareegeen.
Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in xalay Saqdii dhexe ay isaga baxeen deegaanka Bariire Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo dhowr mar weeraro kala kulmay kuwa Al-Shabaab.
Deegaanka Bariire ayaa waxa uu Magaalada Muqdisho dhanka koonfureed kaga began yahay 52km waxaana dhowr mar ka dhacay weeraro qorsheysan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen iyada oo dagaalkii ugu cuslaa ee horantii Bishaan ka dhacay ay waxyeelo ka soo gaartay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Marka laga soo tago hadalka ka soo baxay Al-Shabaab majirto Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka hadlay la wareegitaanka deegaanka Bariire iyo sababta ay ciidamada iga baxeen deegaankaas.