Dowladda Finland ayaa soo bandhigtay dib-u-eegis lagu sameeyay xaaladaha amaanka ee dalalka Somaliya, Ciraaq iyo Afghanistan, waxaana ay sheegtay inaysan waxba iska bedeleynin hannaanka siyaasadda ee codsiyada magangalyo-doonka.
Waaxda Socdaalka dowladda Finland ee loo soo gaabiyo Migri ayaa sheegtay in qaxootiga ka tagay Somaliya iyo Afghanistan aaney isbedeleynin habka lagula dhaqmo, balse magangalyo-doonka ka haajiray qeybo ka mida dalka Ciraaq, gaar ahaan magaalada Mosil halkaasoo ay dagaallo qaraar ka socdaan wax laga bedelayo hanaanka lagu qaabilayo, sida ay amartay maxkamadda dalka Finland.
Waaxda socdaalka dowladda Finland ayaa sheegtay in Maxkamadda maamulka Helsink ay weydiisatay in si dhow loola socdo xaaladda magangalyo-doonka ka tagay Koonfurta iyo bartamaha Somaliya iyo suurtagalnimada haddii dib loo celinayo.
In ka badan 32,500 oo magangalyo-doon ah ayaa ghaaray dalkaasi Finland, sannadkii 2015, laakin 5,657 qof ayaa codsaday magangalyo sannadkii xigay ee 2016.
Bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, waaxda Migri waxay sheegtay in wali 22,000 oo magangalyo-doon ah ay sugayaan in la aqbalo codsiyadooda.
©Radio Dalsan