Wakaalladda Wararka u faafisa dalka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa sheegtay in Wakiilka IGAD u jooga Somalia, Maxamed Cali Guyo uu shalat Kulan la yeeshay Danjiraha Imaaraadka u jooga Somalia, Ambassador Maxamed Axmed Cali Cuthmaan.
Kulankaasi oo ka dhacay Safaaradda Imaaaradka ee ku taalla magaalladda Muqdisho, waxay Labada Mas’uul ka wada hadleen Xaalladda Ammaanka Somalia iyo sidii ay IGAD iyo Imaaraadka si wadajir ah isaga kaashan lahaayeen sidii loo taageeri lahaa Hawlgalladda lagu soo celinayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.
Waxay kaloo ka wada hadleen Xiriirka Dowladda Imaaraadka iyo Urur-gobaleedka IGAD iyo Iskaashiga Xafiiska IGAD ee Somalia iyo Safaaradda Imaaraadka ku leedahay Somalia.
Wakiilka IGAD u jooga Somalia, Maxamed Cali Guyo waxa uu soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Imaaraadak ee ay ku taageeraan Nabadad iyo Deganaanshaha Somalia iyo Doorka Dib-u-heshiisiinta Kooxaha kala duwan ee Somalia.
Dhinaca kale, Danjiraha Imaaraadka u jooga Somalia, Ambassador Maxamed Axmed Cali Cuthmaan oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ballan qadaay inay xoojin doonaan Iskaashiga ay la leeyihiin Xafiiska IGAD ee Somalia.