Kadib markii xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug uu ka dhacay qarax gaarigiisa loogu xiray gudoomiye ku xigeenka Gaalkacyo ee Puntland ayaa waxa saakay bilaawday howlgal ay sameynayaan Ciidamada Puntland.
Aadan Nuur Qaal  taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay la socoto dhibaatooyin ay Al-Shabaab u maleegayaan Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu shegay in looga baahan yahay Shacabka Puntland in ay ka digtoonaadaan isla markaana ay heegan ka noqdaan qaraxyo ismiidaamin ah oo Shabaab la damacsan yihiin Goobaha Muhiimka ah ee Puntland.
Sidoo kale wax uu hadalkiisa intaas ku daray in ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ay had iyo jeer wadi doonaan howlgallada amni xaqiijinta ah oo kaga hortagayaan qaraxyada Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Aadan Nuur Qaal.