Dowladda Japan ayaa sheegtay inay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ugu deeqday 2 million oo Dollar, si loogu adeegsado Naf-badbaadinta guud ahaan Somalia.
Wakiilka  Hay’adda WHO u jooga Somalia, Dr.Qulaaam Popal waxa uu soo dhaweysay Kaalmada Japan ee wax looga qabanayo Sahminta Cudduradda iyo Taageerida  Hawlaha Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ee ka socda gudaha Somalia.
Waxa uu tilmaamay inay Kaalmadaasi taageero ka geysan doonto sidii loo xoojin lahaa Wada-shaqeynta WHO la leedahay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federalka Somalia iyo in lagu tallaabsado  Hawlaha Gurmadka Caafimaadka  iyo Cudduradda faafa.
Dhibaatada ugu weyn ee Somalia ayaa weli ah sidii looga hortegi lahaa Cudduradda La Is-qaadsiiyo.
WHO waxay sheegtay in ku-dhawaad 5.5 million oo Qof khatar ugu jiraan Cuddurka Macluusha, iyadoo wax ka badan kala-bar dadka la il-daran cuddurkaasi yihiin Haweenka iyo carruurta ay  da’dooda ka hooseyso 5 jir.