Ciidanka Macwiisleyda ah oo saaka weeraray degaan ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Mabaax oo hoostaga degmada Moqokori, xuduudna la leh Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas saaka uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii macwiisleyda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Mabaax, sidaasina uu ku dhacay dagaalka oo inta uu socday la isku adeegsaday hub culus, sida la tilmaamay.

Saraakiil hoggaamineysay Ciidanka weerarka qaaday ayaa waxaa ay sheegeen inuu dagaalka iyo weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac, isla markaana soo kala gaaray dhinacyada, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha inta uu la egyahay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka macwiisleyda ee weerarka ku qaaday eegaanka Mabaax oo hoostaga degmada Moqokori ay dib ugu soo laabteen halkii marka hore weerarka ka qaadeen, Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaana wax faah faahin ka bixin dagaalkii saaka halkaas ka dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor