Wargeyska The Sunday Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray inay Dowladda Federalka ku goodisay in la joojinayo Qaadka laga keeno Kenya, waxayna ku eedeysay Dowladda Kenya inaysan fulinin Heshiiskii ay Labada Madaxweyne ku gaareen in si toos ah loo bilaabo Duullimaadka Diyaaradaha ee Muqdisho iyo Nairobi.
Dowladda Federalka waxay sheegtay in lagu heshiiyey in la qaado Xayiraadii Qaadka bishii September ee sannadkan, kadib, markii ay Dowladda Kenya oggolaatay in bisha December 13-da la bilaabi doono Duullimaadyadda Diyaaradaha Tooska isaga kala gooshayo Muqdisho iyo Nairobi.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Saraakiil ka tirsan Dowladda Federalka ayaa ku eedeeyey Kenya inay weli ka aamusan tahay Fulinta Heshiiskaasi oo dadka Soomaalida ka badbaadin lahaa dhibaatada Duullimaadka ee ay ku degaan Garoonka Wajeer si loogu sameeyo Baaritaano dhinaca Ammaanka, ka hor intaysan u duulin magaalladda Nairobi.
“Somalia iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la fududeeyo Duullimaadka Rakaabka, waayo Garoomadda Diyaaradaha ee Muqdisho iyo Nairobi waxay awoodi karaan Baaritaanadda Ammaanka, ka hor inta uusan qof kasta soo gelin” ayuu yiri Sarkaal Somali ah oo isagoo ku sugan Muqdisho la hadlay Wargeyska The Sunday Nation.
Waxa uu intaasi ku daray inuusan dhaqan gelin Heshiiska muddada 3-da bilood ee lagu heshiiyey iyo inuu micno yahay inaysan Dowladda Kenya daacad ka ahayn dhamaan Heshiiskaasi.
Sarkaalkaasi waxa uu carrabka ku xoojiyey inay ka laaban doonaan go’aankii horey Xayiraadda looga qaaday Qaadka laga keeno Kenya.
Dhinaca kale, Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamaal Xasan ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo arrinkaasi, wuxuuse carrabka ku hduftay in Heshiiskii la kala saxixiday bishii September uu hawlgab noqonayey bilowgii bishan December.
Danjiraha oo la hadlayey Wargeyska The Sunday Nation ayaa tilmaamay inay Dowladda Kenya kala xaajoonayaan arrintaasi, waxaana filayaa in sida ugu dhaqsaha badan uu Dadweynaha la wadaagi doono xilliga la bilaabi doono Duullimaadyadda Tooska ee Diyaaradaha isaga kala gooshi doono Caasimadaha Somalia iyo Kenya ee Muqdisho iyo Nairobi.
Xigasho: The Sunday Nation
©Radio Dalsan