(Dukumenti Sir ah): Dowladda Britain oo Heshiis Qarsoodi horey ula gashay Kenya si ay uga difaacaan Ciiddanka Somalia.

Dukementi la soo bandhigay ayaa lagu xusay in Dowladaha UK iyo Kenya gaareen Heshiis Qarsoodi ah oo loogu magac daray Is-fahamkii “Bamburi Underestanding”.

Dowladda Britain ayaa Go’aankaasi qaadatay sannadkii 1967-dii si Dowladda Kenya hubaal looga dhigo inay Britain soo farageelin doonto haddii ay Somalia gudaha u soo galaan ama qabsadaan qeybo ka mid ah Kenya.

Dalka Somalia ayaa xilligaasi loo aqoonsanaa mid ka mid ah Ciiddamadda ugu awoodda iyo qalabka wanaagsan ee Gobalka, iyagoo haystay hub lagu soo farsameeyey dalkii Midowgii Soofiyeeti ee hore, iyadoo laga cabsi qabay inay Ciiddanka Somalia qabsadaan Gobalka W/bari Kenya, iyadoo laga duulayo Siyaasadda Somali-weyn “The Great Somalia Policy”.

Madaxweynihii Kenya ee Xilligaasi, Jomo Kenyatta ayaa la kulmay weeraro ka dhaca Waqooyiga dalkaasi, taasi oo ay Dowladda Somalia aad u taageeraysay.

Ra’isul-wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu Xildhibaano British ah u sheegay sannadkii 1962-kii Dareenka lagu mideynayo Xuduudaha ay Somalia ka haystaan dalalka Kenya iyo Ethiopia

Dhinaca kale, Heshiiska Britain ugu ballan-qadaay Kenya inay ka difaaci doonaan Duullaanka Somalia ayaa waxa uu ahaa mid shaqeynayey tan iyo bishii May 1981-kii, sida ay sheegtay Ra’isul-wasaaradii hore ee dalka Britain, Margaret Thachter oo xilkaasi haysay muddadii u dhexeysay sannadihii 1979-kii ilaa 1990-kii.

Ballanqaadkaasi ayey ka sheegtay mar ay Wasiirkii Arrimaha Dibedd ee Kenya, Robert Ouko kula kulantay magaalladda London.

Margaret Thachter waxay intaasi ku dartay  haddii ay Somalia soo weerarto Kenya inay UK bixin doonto Taageero kasta oo ay awoodaan

Cabsida Milliteriga Kenya ee soo bilaabantay tan iyo markii ay Kenya ka xorowday Britain bishii December 12-dii ee sannadkii 1963-kii ayaa haatan u muuqata inay cabsidaasi shiiqday, iyadoo ay Ciiddanka Kenya awoodeen inay gudaha Somalia soo galaan bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Ciiddanka Kenya waxay Somalia ku soo galeen inay la dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab iyo inay Hawlgalka AMISOM gacan ka siiyaan soo-celinta Ammaanka Somalia.

Xigasho: kdrtv.com

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor