• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, June 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO): Murashixiinta la hadal-hayo inay ugu cadcad yihiin Loolanka Madaxtinimadda lana so bixi kara Madaxweynaha iyo R/wasaaraha wareega 3-aad.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 25, 2016
in Warar
Reading Time: 12 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

In ka badan 20-Musharax ayaa ku dhawaaqay inuu damac kaga jiro Kursiga Madaxtinimadda ee yaalla Xarunta Villa Somalia ee magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Murashixiinta horey u soo tartamay iyo kuwo haatan ku haminaya  Xilkaasi.

Inkastoo Musharax kasta diyaarsaday Ajendaha uu dalka ku hagi doono haddii loo doorto xilkaasi ayaa waxay dadku aad u hadal-hayaan qaar ka mid ah Murashixiinta oo lagu han weyn yahay in midkooda ku soo bixi dodo wareega 3aad ,  dadka siyaasada falanqeeyaa waxey qabaan in madaxweyne Xasan Sheikh iyo R/wasaare Sharmaarke yihiin labada musharax ee ugu sareysa so bixida laakin uu jiri doono musharax 3aad oo la qeybsan kara wareega 3aad kaas uu dadka ay sheegayaan inuu noqon karo madaxweynaha Soomaaliya marka loo fiiriyo fursadaha uu ka dhex heli karo labada musharax ee ugu sareysa madaxweynaha iyo R/wasaaraha fursadahaas oo kala ah .

1-in codadka ka soo hara labadooda uu heli karo musharaxaas 3-aad

2-in xildhibaanada ay daneen karaan isbadal wajiyada hada jooga aan ahey sidi dhacday 2012 ee uu ku soo baxay madaxweyne Xasan Sheikh .

Hadaba ereygi can baxay ee isbadalka haloo hiiliyo imisa musharax aya ka faaideysan karta .

Hadal-haynta waxaa aad ugu badan Musharixiinta kala ah:

  1.  Saciid C/llaahi Maxamed “Dani”,
  2. C/qaadir Cosbole Cali
  3. C/raxmaan C/shakuur Warsame,
  4. Jabiil Ibrahim Cabdulle ,
  5. Maxamed C/llaahi Farmaajo,
  6. Cali Xaaji Warsame.

 Haddaynu yara jaleecno Taariikhda Murashixiintaasi iyo fursadahooda sideey ay tahay waxay u badan yihiin Siyaasiyiin xilal so qabtay marka laga reebo Jabriil Cabdulle oo 20 sano u dambeeyey ka mid ahaa hogaamiyayaashi ururada bulshada dalka .

Marka loo kuur-galo Hadal-haynta Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanaddii hore iyo kuwa Cusub waxay rumaysan yihiin inay 6-daasi Murashax yihiin kuwa aadka loogu han weyn yahay inuu midkooda ku soo bixi doono Loolanka Madaxtinimadda wareegana la soo gali kara madaxweynaha iyo R/wasaaraha doorashada  aan weli lagu dhawaaqin Xilliga la qaban dodo.

Murashax  Saciid C/llaahi Maxamed “Dani”: waa Siyaasi iyo Ganacsade caan ka ah degganada Puntland dagana Dubai, wuxuuna  horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee DFS , waxa la rumeysanyahay inu heli karo tiro codadka Puntland u badan marka loo fiiriyo galaangalkiisa deegaanka iyo sumacad uu ku dhex leeyahay Puntland , waxu ka mid ahaa aasaasayaashi waxbarashada Putland kadib dagaaladi sokeeye .

Ololihiisa Doorashadda ayuuna ku soo bandhigay Ajendahiisa Hawleed, haddii loo doorto xilka Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia.

Dhaqaala ahaan waxaa la rumeysanyahay inuu isku fialnyahay oo uu lacagtiisa ganacsiga ku ololeyn karo oo uu xildhibaanada ku soo xeri karo,Dani waxu ka soo jeedaa beesha Daarood Majeerreen

Jibriil Ibraahim Cabdulle: WSiyaasi ku cusub masraxa waxuu ahaa agaasimihi hayáda CRD , hadal heynta bulshada waxuu kaga jiraa meel sare waxaana la rumeysanyahay inuu saaxibo badan oo uu leeyahay darteed imaan karo ama heli karo codad inakstoo uusan laheyn isbaheysi siyaasadeed .

 Waxuu in muddo ku soo guda-jiray Hawlaha Bulshadda intuu Madax ka ahaa Hay’adda Wada-tashiga  iyo Cilmi-baarista ee CRD halu dhiga doorashadiisa waa (Hal Qaran).

Waa Murashax hiigsanayo Midnimo, Nabad iyo Hal Qaran, wuxuuna aad uga soo horjeeda Musuqa, Daryeel La’aanta haysata Ciiddanka iyo Shaqaalaha Rayidka ee DFS.

Wuxuuna ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono Adeegyadda Dowladnimo iyo Dib-u-heshiisiinta, isagoo ka faa’ideysanayo Khibradiisa Hawlaha Wada-tashiga iyo Danaha Bulshadda

Jabriil waxuu ka soo jeedaa beesha Hawiye /Abgaal

Musharaxa  Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame: Waa Siyaasi horey u soo noqday Wasiirkii Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Xukuumaddii Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid, waxa kale oo uu la shaqeeyey QM, isagoo La-taliye ka noqday Xafiiska QM ee Muqdisho , waxuu soo caan baxay shirki Jabuuti 2009 oo uu ka mid ahaa maskaxdi soo saartay isku darki barlamaanki tirada badnaa ee Jabuuti .

Murashax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa Hal-ku-dhegga Ololihiisu yahay Isku-tashi hal-ku-dhiggaas oo ay ka heleen Soomaali badan hade uu shaqeeyana ay aaminsanyihiin dadka Soomaaliyeed iney ka baxayaan gacan hoorsiga isku filnaan dhab ahna la gaari karo , wuxuuna doonayaa inaan lagu tiirsaanin Dowladaha kale, loona baahan yahay inay Ummadda Soomaalida isku tashadaan, kana shaqeeyaan isku tashi , isku filnaan si siyaasada dalka u hesho madax banaani

C/raxmaan waxuu aaminsanyahay faragalinta shisheeyaha iney keento isku filnaan la’aanta dawladda

Dad siyaasada odoraasi waxey sheegeen in fursadiisa ay fcnaan tahay marka loo fiiriyo ololaha an kala joogsiga laheyn ee uu wado 6 bil ee u dambeysay.

Abdishakuur waa musharaxa kaliya ee sida baaxada leh u isticmaalaya warbaahinta nuucyaheeda kala duwan bulshadana la wadaagay ajandihiisa siyaasadeed .

Wax la sheegayaa inuu masúul ka ahaa doodi badda Somaaliya laakin wareysiyo badan oo uu bixyey waxuu isaga difaacay arintaas si cilmi ah oo uu tusaaleeyey ij isagu ahaa wasiir hawshaas xiligaas ay u tiilay madaxeyne Sharif iyo Sharmaarke oo ahaa R.wasaaarihiisa , C.Shakuur waxaa kaloo la sheegaa inu daraasado badan ka sameeyey mushkilada siyaasadeed ee dalka intii uu xafiisk QM joogay.

C/raxmaan Abdishakuur waxuu ka soo jeedaa beesha Hawiye /Habargidir

Murashax Madaxweyne C/qaadir Cosoble Cali: Waa Xildhibaan si dag ku so baxay kadib dagaal siyaasadeed oo uu wajahay kalana dhaxeeyey mdaxaweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheih , wuxuuna in muddo ah ku soo jiray Hawlaha Siyaasadda, wuxuuna isku soo taagay Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii, balse waa uu tanaasulay isagoo helay codad gaaraya ilaa 27 xiligaas oo ay dad badan ku soo baraarugeen galaangalkiisa , waxuu ka mid ah yahahay gaancsatada Soomaaliyeed sidoo kale waa hogaamiye ka tirsan kooxda islaamiga ah ee  Ictisaam oo hada ka mid ah xarakooyinka islaamiga Soomaaliya kuwooda ugu waaweyn .

Waa Murashax Aragti dheer, isla markaana aad ugu hawl-galay sidii loo heli lahaa Isbahaysiga Murashixiinta Madaxweyne oo isku duuban, si ay isugu hiiliyaan Loolanka iyo Cod-bixinta Doorashada meeshana uga saaraan madaxweynaha hada talada haya

Cosbole waxuu ka soo jeedaa beesha Hawiye /Abgaal

Murashaxa Maxamed C/llaahi Farmaajo: Waa Siyaasi sumcad ku dhex leh Mujtamaca laakin siyaasiyinta badanaa waxey sheegaan inaanan waxba ula jirin taageerada shacabka oo looga fiicanyahay galaangalka xildhibanda ,  wuxuuna Ra’isul-wasaare ka soo noqday Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Waxa Xilkaasi loo magacaabay bishii October 31-dii ee sanadkii 2010-kii, wuxuuna iska casilay  bishii June 19-dii ee sannadkii 2011-kii.

Muddadii uu xilkaasi hayey waxa uu kasbaday Taageeradda Dadweynaha, gaar ahaan Ciiddamadda, oo iyagu qirsan inuu Maxamed C/llaahi Farmaajo ahaa Mas’uul galaangal badan u galay Xuquuqda Ciiddamadda iyo shaqaalaha rayidka

Waa Murashax madax ka ah Xisbiga Tayo, waxaana Ololihiisa  Madaxtinimo hal-hays u ah danta Dalka , Dadka , , waana markii Labaad ee Siyaasiga Maxamed C/llahi Farmaajo isku soo taago Xilka Madaxtinimadda dalka Somalia, wuxuuna ka mid ahaa Musharixiintii looga guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda ee dhacday sannadkii 2012-kii.

Dad badan ayaa dhinaca kale dhaliila buug uu qoray qalin-jabintiisi jaamacada oo uu qabiilo badan oo Soomaaliyeed ku sheegay iney daba dhilif gumeysi yihiin taasoo dad badan ay qabaan iney dhaawacday sumcadiisa inkastoo ay qarisay taagerada weyn ee ay dadka u hayaan.

Ololaha Doorashadiisa waxaa haatan hoggaaminayo Fahad Yaasiin oo ka shaqeeya Telefishinka Aljazeera, isla markaana ahaa Ninkii isku xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Qatar, oo Xasan Sheekh kala shaqeeyey Ololihii Doorashadda ee uu ku soo baxay  sannadkii 2012-kii.

Fahad Yaasiin ayaa la rumeysan yahay inuu Musharax Farmaajo u sahli karo Kharaj uu ka helo  Dowladda Qatar, si uu ugu soo baxo Doorashadda Madaxtinimadda , Farmaajo waxuu ka soo jeeda beesha Daarood /Mareexaan

Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame: Waa Siyaasi, Ganacsade iyo aqoonyahan caan ka ah Puntland  wuxuuna mar soo noqday Wasiirkii Waxbarashadda ee Maamulka Puntland iiyo Sarkaalka Guud ee Fulinta ee Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telcom Somalia .

Cali Xaaji ayaa la tartamay madaxwyene Gaas iyo Faroole doorshadi Puntland waxuuna helay codad badan xiligaas ayaa isna magaciisa aad loo helay oo la ogaacday galaangalkiisa siyaasada Puntland , inti uu ahaa wasiirka Puntland waxa aad loo xasuustaa inu bartiisa Twitter -ka aad ugu dhaliili jiray DFS siyaasadeed federaalka ku aadan waana siyaasi aaminsan in caasimada dalka wadaag noqoto oo laga raro Xamar ama Muqdisho

Waxu aad ugu ololeeyaa xuquuqda dadka Puntland oo uu ka so jeedo , wax ka mid yahahay hogaamiyayaasha Al-Ictisaam oo ah koox aad ugu xoogan Puntland waxaa la rumeysanyahay iney wax isku darsan karaan Cosbole oo ay saaxib dhaw yihiin kana wada tirsanyihiin kooxda Ictisaam , waxaa la xusuustaa in C/qaadir Cosobole uu aad ugu ololeeyey inuu R/wsaare dalka ka noqdo Cali Xaaji  kadib mooshin xilka uu ku waayey R/wsaare C/wali laakin uu arinkaas ku dhamaaday natiijo laán markii kooxda madaxeyne Xasan sheikh ay ka baqeen iney awooda dalka so galaan Ictisaamka oo ay khatar u arkeen.

Si kastaba ha ahaatee, hadal-haynta Siyaasiyiinta iyo Maxfalladda kale ayaa waxaa laga dareemi karaa inay 6-daasi Murashax yihiin kuwa ugu cadcad ee loo saadaalinayo inuu midkooda noqon doono Guuleystaha Madaxtinimadda Somalia , Cali Xaaji waxuu ka soo jeedaa beesha Daarood /Majeerteen

©Radio Dalsan

f.g:Talo , Tusaale iyo sixidba noogu soo hagaaji 

[email protected] 

Previous Post

Dowladda Federalka oo ku goodisay in mar kale la xayiri doono Qaadka laga keeno Kenya.

Next Post

Diyaarad Milliteri oo laga lahaa Raashiya, kuna sii jeeday dalka Syria oo ku burburtay Badda Black Sea.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 11, 2025
Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo
Warar

Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo

June 11, 2025
Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

June 11, 2025
Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah
Warar

Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah

June 11, 2025
Next Post

Diyaarad Milliteri oo laga lahaa Raashiya, kuna sii jeeday dalka Syria oo ku burburtay Badda Black Sea.

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, today paid an official visit to the...

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

Changsha, China—At the margins of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) ministerial meeting held in Changsha, Hunan Province, China, Somalia...

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

Mogadishu, Somalia — In a bold diplomatic move, the Federal Government of Somalia has formally demanded the dismantling of the...

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

by Ilhaan
June 12, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen...

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey
English News

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China
English News

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group
English News

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf to Step Down Early from International Court of Justice After Historic Tenure
English News

Somali Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf to Step Down Early from International Court of Justice After Historic Tenure

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey
  • Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China
  • Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group
  • 13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00