(DHAGEYSO):-Banaanbax ay ka qeyb galeen Maamulka Gobolka Banaadir oo Ka Dhacay Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho waxaana soo qaban qaabiyey madaxda gobolka Banaadir oo ugu baaqay shacabka Muqdisho inay dhigaan dibadbax lagu taageerayo madaxwene Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kuu guuleystay Doorashada Madaxweynaha ee lagu qabtay Arabacdii Muqdisho.

Boqolaal dadweyne ayaa qeyb galay dibadbaxa oo ka ymid degmooyinka gobolka banaadir si ay umuujiyaan dareenkooda ku aadan doorashada madaxweynaha iyo farxada ah in loo doorto madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo dadku waxaa ay wateen Sawirada madaxweynaha iyo calanka Soomaaliya iyagoo ku qeylinayey erayo ay ku taageerayeen madaxweynaha Cusub.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimacaale iyo madaxda maamulada degmooyinka aya ka qeybgalay banaanbaxa oo dadka kula hadlay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada boondheere waxaana ay bogaaadiyeen shacabka oo ay kula dardaarmeen inay la shaqeeyaan Dowlada Cusub.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Cod-ka Gudoomiyaha Gobolka.

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media