Inkastoo ay Labada Dowladood ku kala qeybsan yihiibn Arrimaha Qaxootiga ayaa waxay haddana si wadajir ah u soo saareen War Murtiyeed ay kaga soo horjeedaan Warbixintii Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegen inay Dowladda Kenya si khasab ah ku celinayso Qaxootiga Soomaalida.
War-murtiyeedka ayaa lagu xusay inay Labada Dowladood ka codsadeen Deeq-bixiyayaasha Caalamka inay taageero ka geystaan hawlaha dib loogu celinayo Qaxootiga Soomaalida ku jira Xerada Dhadhaab ee W/bari Kenya.
Deeq-bixiiyayaasha waxaa si gaar ah looga codsaday inay taageero ka geystaan Adeegyadd Asaasiga, sida Guriyeynta, Waxbarashadda iyo Caafimaadka.
War-murtiyeedka Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa la saxiixay, kadib, markii ay Wakiilo ka kala socday Labada Dowladood iyo Hay’adda UNHCR Khamiistii hore kulan ku yeesheen magaalladda Nairobi.
Dhinaca kale, War Murtiyeed ayaa lagu sheegay inay Dowladda Kenya dib u celisay Qaxooti tiradoodu dhan tahay 13,604 oo qof.
©Radio Dalsan