Maxkamadda ICJ oo berrito bilaabayso dhegeysiga Dacwadda Xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya.

Sida uu Jadwalku yahay Maxkamadda Garsoorka ee Caalamka (The International Court of Justice (ICJ) oo ku taalla magaalladda Hague ee dalka Holland ayaa berri oo Isniin ah dhegeysan doonta Muranka Xuduud-baddeedka Badweynta Hindiya ee ay Labada Waddan wadaagaan, kaasi oo lagu madalsanaa in lagu kala baxo Maxkamadda ICJ.

Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay doodad dacwadaasi ka jeedin doonto Fadhiyadda ay Maxkamaddu yeelan doonto maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee isbuucan, iyadoo ay Dowladda Somalia la qorsheynayo inay maalmaha Talaadada iyo Jimcaha soo gudbiyaan Markhaatimuujinta Milkiyadda Xuduud-baddeedka la isku haysto oo dhererkiisu dhan yahay 100,0000 oo KM oo isku wareeg ah.

Xeer-beegtida Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, waxay laga bilaabo bishan September 19-da ilaa 23-da ee sannadkan 201-ka waxay garwaaqsan doonaan muranka Kiiskaasi.

Dowladda Somalia waxay Maxkamadda ICJ u gudbisay bishii August 28-dii ee sannadkii 2014-kii dacwad ka dhan ah Kenya iyo in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka Saddex Geesoodka ah, iyadoo Calaamadaynta la waafajinayo Xuduudka Berriga ee ay labada Waddan wadaagaan.

Dhinaca kale, Qareeno Caalami oo u kala dhalatay Maraykanka iyo Faransiiska ayaa uga wakiil ah Dowladda Somalia dacwadaasio, halka Kenyana ay wadato Qareeno Kenyan, Maraykan iyo Britian.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor