Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa ka degtay Diyaaraddii ugu horreeysay oo waday gargaar loogu talagalay dadkii uu sameeyay Fatahaada Webiga Shabeelle.
Diyaaradan ka degtay Garoonka diyaarada Baladweyne ayaa waxaa la socday qaar kamid ah Guddiyadii loo magacaabay Fatahaada Webiga Shabeelle, iyagoona halkaas geeyay gargaar ay dawladda Federaalka ugu talagashay in lagu caawiyo dadka uu sameeyay Webiga ee weli ku harsan Baladweyne iyo kuwii ka barakacay intaba.
Gargaar dowladda Federaalka ee la gaarsiiyay Baladweyne ayaa isugu jira Cunto iyo Agabyo kala duwan oo Nolosha lagama maarmaan u ah, kuwaasi oo ay u baahan yihiin shacabka ku dhibaateysan Gobolka Hiiraan gaaran ahaan Baladweyne.
Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddigii shalay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre u magacaabay fatahaadaha Webiya ay gurmad kale gaarsiin doonan Baladweyne.
Boqolaal qoys oo kunaalaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saameeyay fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle, iyadoona inta badan Xaafadaha Magaalada ay ka barakaceen dadkii ku noolaa.