Shirkaan ayaa waxaa Maanta Muqdisho ka furay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa.
Shirkaan ayaa ah mid Wadatashi ah waxa uuna u dhaxeeyaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa waxa uu socon doonaa mudo laba maalin ah waxaana diirada lagu saarayaa Dhismaha Golaha Deegaanka Dowladaha Hoose ee dalka.
Cabdi Faarax Siciid Juxa Wasiirka Wasaaradda Arrimha Gudaha Soomaaliya oo shirkaasi furay ayaa sheegay in  shirkaan uu yahay mid xogta leysku dhaafsanayo isla markaana lagu wadatashanayo.
Waxa uu sheegay in ay howshaan ay tahay mid u baahan in la dardargeliyo si ay Shaqadu u noqoto mid hagaagsan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dalka uu waqtigaan ku jiro xaalad amni sidaas darteedna loo baahan yahay in dhamaan Madaxda Dowlad goboleedyada iyo dowladda Dhexe ay iskaga kaashadaan sidii ka soo baxday shirkii Madaxda Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada uga soo gaba gaboobay Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka kana Daawo Sawirrada