War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxa loo diray Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha , shirkadaha duullimaadka sameeya iyo dhamaan hay’adaha kale.
Qoraalkan ayaa waxaa Hay’addaha Sare ku xusan ee deggan Magalada Muqdisho lagu wargeliyay in aysan u adeegsan magaca Garoonka Adan Cadde ee Muqdisho,hayeeshee ay adeegsadaan magaca ah Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle International Airport.
Sababta ay arrintaas u sameeyneyso dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku sheegtay inay tahay in magaca Garoonka lagu weeyneynayo Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.