Sawirro:-Wasiirka amniga dowladda oo Shir ka furay Magaalada Muqdisho

Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya oo Saddexdii biloodba mar la qabto.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Laamaha Hay’addaha socdaalka ee Gobalada, Saraakiisha xarunta dhexe ka howlgala iyo Hay’addaha wada shaqeynta la leh Hay’adda socdaalka oo ay ka mid yihiin Booliska, Gobolka Banaadir iyo Qaar ka mid ah Wasaaradaha.

Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlaa wada-shaqeynta Laamaha kala duwan ee Socdaalka dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media