Maamulka deeaganka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal kooban oo halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Burundi ee fariisinka ku leh Ceelasha iyo kuwa Al-Shabaab oo soo weeraary.
Cabdi Aadan Iidle gudoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Weerar Hoobiyayaal ah ay Al-Shabaab ku soo qaadeen fariisinka Ciidamada Burundi balse laga hortegay sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu shegay in xiligii Salada Maqrib lagu jiray ay weerarka soo qaadeen balse ay fashilmeen kadib markii Ciidamada AMISOM ay jawaab ka bixiyeen weerarkii Al-Shabaab.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa fah faahin Guud Dalsan ka siiyay Gaari qarax siday oo ciidamada dowladda ay ku qabteen Koontoroolka Siinka-dheer.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha Cabdi Aadan Iidle.