Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa marka hore sheegay in laba qodob oo kaliya wax looga qabankaro amniga Guud ee dalka taas oo fududeyn karta.
Waxa uu sheegay in marka hore lala dagaalamo fikirka qaldan oo kooxaha Argagaxisada ay dadka Soomaaliyeed ku marin habaabinayaan, iyaga oo la helikaro taageerashada Shacabka.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadalkiisa intaas raaciyay, in tan labaad la dejiyo qorsho Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay siwadajir ah u qaadan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo dalka looga saarayo sida uu hadalka u dhigay.
Dhowr mar ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada waxa ay ku cel celiyeen in muhiim ay tahay in siwadajir ah loola dagaalamo Al-Shabaab balse taasi aan la fulin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe.