Maalmaihii la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegayay in Xubno ka socda Beesha Caalamka ay wadaan waan waan ku saabsan sidii loo qaboojin lahaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Maamulada soomaaliland iyo Puntland ee ka taagan deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool,balse waxaa beeniyey Maamulka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa sheegay in aysan jirin xilligaan waan waan laga dhex wado iyaga iyo Maamulka Soomaaliland,isla markaana aysan jirin doonin wax wadahadal ah.
Waxa uu sheegay in Soomaaliland ay heysato deegaano badan oo Puntland ay leedahay sidaas daraadeedna uusan jiri doonin wadahadal ilaa Soomaaliland ay baneyso deegaanada Puntland ee Gobolada Sool iyo Sanaag.
“Soomaliland waxaan wada hadli karnaa markii ay dib ugu laabtaan ciidamadooda halkii ay ka soo duuleen Bishii Octoober ee Sanadkii 2017 balse intii ay ku sugan yihiin Gambara,Gaatama iyo deegaanada kale majiri doonaan wadahadal,xabad joojinta lagu dhawaaqayna waxa ay ahaan doontaa mid dhicis ah ayuu yiri Camey.
Xaalada deegaanka tukaraq ayaa haatan ah mid kacsan,waxana laga dareemayaa xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada labada maamul ee isku-horfadhiya Tukaraq,mana jirto cid ilaa iyo hadda sidhab ah iskugu dayday In ay kala dhexgasho marka laga reebo baaqyo Warbaahinta loo marinayo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.