Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa ay geeysay Gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah iyo dhaqaatiir Caafimaad oo badan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dhaqaatiirta Caafimaadka ay baaritaano ku sameeyn doonaan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka imaaneysa 15-dal oo uu siweyn u sameeyay Cudurka halista ee Coronavirus.
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxa lagu sheegay in Muwaadiniinta markii ay yimaadan Muqdisho la karantiili doono muddo 15-maalmood ah, iyadoona Muwaadiniinta Soomaaliyeed arrintaas lagu wargeliyay.
“Kalkaaliyayaal Caafimaad iyo gawaarida Gurmadka dag-dagga ah ayay Wasaaradda Caafimaadka geysay garoonka diyaarada Adan Ade Airport si ay dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka midka ah liiska hoose ay ugaliso karantiil mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa marka ay wadanka soo gaaraan iyada oo sidoo kalene la hubin doono bad-qabka muwaadiniinta kale ee ka imaanaya wadama aan ku jirin liiska hoose lana siin doono talooyin caafimaad” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka.
Hoos ka Akhriso dalalka ay ka imaanayaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la karantiili doono.
1.Shiinaha
2.Yurub
3.Maraykanka
4.Koonfurta Kuuriya
5.Australia
6.Canada
7.Turkiga
8.Iiraan
9.Pakistan
10.Masar
11.Hindiya
12.maaradka Carabta
13.Malaysia
14.Sacuudiga
15.Koonfur Afrika