Xaalad nololeed oo aad u daran ayaa heysato qoysaska ku soo barakacay Magalada muqdisho,kuwaas oo marxalado kala duwan oo dhinaca molosha ah soo marey.
Hayeeshee waxaa xilligaan shaki la gelinayaa sida loo maareeyo deeqaha loogu talo galay barakacayaasha sida ay shaaciyeen Madaxda Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka.
Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Maxamed Amiin Cabdullaahi Cismaan ayaa sheegay in la musuq maasuqo deeqaha loogu talo galay dadka ku soo barakacay Magalada Muqdisho.
Waxa uu sidoo kale soo bandhigay qorsho dhawaan ay bilaabi doonaan oo ah sidii dib loogu celin lahaa dadka barakacayaasha ah halkii ay markii hore ka yimaadeen,iyo sidii tirakob rasmi ah loogu sameyn lahaa.
Warkaan ka soo baxay Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa ku soo adaya xilli dhawaan musuq maasuq loo xirey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ku jirey Agaasime ka tirsanaa Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan iyo Wariye Saleemaan Xaaji Raage.