Mahdi Guuleed “Wixii Khilaaf iyo Shuush ahaana waa baxeen waana soo afjarnay”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay heshiiskii Maanta isaga iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada kuraasta Gobolda Waqooyi ee Somaliland.

Mahdi Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in lasoo afjaray khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo ku aadanaa maamulka doorashada Somaliland, wuxuuna sheegay in labadooda ay heshiis gaareen.

Waxaa uu sheegay in labadooda ay gaareen heshiis ka kooban 4 qodob oo saldhig u ah hirgelinta doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

“Adeerkey Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaan leeyahay Cimrigaagu ha raago, wixii khilaaf iyo shuush ahaa waa ay baxeen, waxaana loo jaheystay doorasho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Dhinaca kale Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tilmaamay in heshiiskan ay gaareen isaga iyo Mahdi Guuleed uu hirgelin doono qabsoomida doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi ayaa isla gartay in lasoo afjaro iskooxeysigii iyo abaabulkii u dhexeeyay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo hirgelinta doorashada Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa waxaa ka dheexeyay khilaaf in muddo ah soo jiray oo ku aadan doorashada kuraasta Somaliland, waxaana xusid mudan in mar heshiis laga gaaray khilaafka, wallow mar kale uu soo laabtay, kadibna sababay in laba Guddoon ay kala doortaan Guddigii doorashada Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor