Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Hir-Shabeelle xiligaan wixii ka dambeeya ay bilaabi doonto tababbarka ciidamo Booliis ah oo uu yeelanayo Maamulka Hir-Shabeelle.
Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay noqon doonaan kuwo isku-dhaf ah,qeybtooda ugu horeeyana oo gaaraya ilaa 600 (lix boqol) oo Askari kuwaas oo ka turjuma deegaanada dhamaan gobolka hiiraan.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhanka kale Ciidamo kale oo ah kuwa Daraawiishta hir-Shabeelle iyana lagu tababari doono ilaa 400 (Afar Boqol) Magaalada jowhar kuwaas oo iyana guud ahaan Shabeellaha Dhexe laga soo xuli doono.
Ugu dambeyn waxa uu u mahad celiyay dowladda ingiriiska iyo UNSOM oo qeyb weyn ka qaadan doono tababarka ciidankaan sida uu sheegay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.