Todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland waxa ay howlgallo kala duwan ka wadeen deegaanada Buuralaeyda ah ee gobolka Bari.
Saraakiisha ciidamada ayaa waxa ay horay u sheegeen in hwolgalkaas uu yahay mid lagu baadi goobayo rag ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo Buuraha Glgala iyo miskaad ku sugan.
Howlgalalda ayaa Ciidamadu wxa ay sigaar ah ugsa sameeyeen deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox iyo Bohol iyo deegano akle.
Saraakiisha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Intii hawlgalkaani socday ay ciidamada Puntland Daacish ka saareen goobo ay kaga sugnaayeen Buuraha Cal Miskaat oo hoostaga degmada Qandala isla markaana ay ciidamadu ay burburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan Daacish oo ku yaala aaggaas.
Sidoo kale waxa ay hadalkooda intaas ku dareen in laga qabsaday qalab ay ku samayn jireen waxyabaha qarxa sida ay hadalka u dhigeen.
Hoos Ka Daawo Sawirrada