Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku wada sugan Baydhabo ayaa waxa ay yeesheen kulan gaar ah.

Labada dhinac ayaa waxa ay siweyn uga wada hadleen xaalada Galmudug iyo khialaf xilligaan ka dhex jira Madaxda Maamulkaas kaas oo hakiyey howshii Shaqo ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wararka ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku dheeraadeen ka hadalka sida ugu fudud ee xal looga gaari karo khilaafkaas iyo kaalinta ay ka qaadan karto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ,Xildhibaano iyo Wasiiro ku sugan Cadaado ayaa waxa ay sheegeen War-saxaafadeed ay soo saareen in Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda la socotay aysan Galmudug ku metelin Shirka Amniga Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media