Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaah Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano u dhow degamda Bariire ee Gobolkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed.
Diyaarado loo maleynayo in uu leeyahay mareykanka ayaa xalay saqdii dhexe waxay duqeyn ka fuliyeen deegaano hoostaga degamda Bariire,sida ay dalsan u sheegeen dadka deegaanka.
Duqeynta ayaa wararka nasoo gaaraya ama dadka deegaanka ay inoo sheegeen khasaaro kasoo gaartay dad Shacab ah oo ku sugnaa halka la duqeeyey.
Dadka dhintay ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu ku jiro nin Magaciisa lagu sheegayMaxamed Nuur Xaashi  ,iyada oo dadkau ay sheegayaan in dad beeraley ah ay duqeyntaas ku waxyeeloobeen.
Weli masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose kama hadlin duqeyntaas,sidoo kalena dowladda mareykanka kama hadlin maadaama inta badan weerarada dhanka cirka uu inta badan fuliyo.