Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Al-shabaab waxa ay kala wareegeen Degaan Lagu Magacabo Abiikarow oo Hoos Taga Degmada Marko ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa Degaanka Abiikarow ka weeraray labo Jiho Halkaasi oo ay ku sugnayeen rag  ka Tirsan Al-shabaab sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Shabeellaha hoose.
Howlgalka Al-shabaab looga Saaray Degaanka Abiikarow ayaa waxaa Fuliyay Ciidamada Ururka 26_Aad Ee Guutada Sadexaad Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Amisom ee ka Howlgala Shabellaha Hoose
Talyaha Ururka 26_Aad Ee Guutada Sadexaad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyed G/Sare Xasan Maxamed Abukar ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay Cadowga Al-shabaab ka Xureeyeen Degaanka Hoos Yimaada Degmada Marko ee Gobolka Shabellaha Hoose
G/Sare Xasan Maxamed Abukar waxa uu Tilmaamay in Degaanka Abiikarow ay Al-shabaab ku Gumaadi jireen Dadka ku dhaqan Halkaasi
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Gobolada Dalka Soomaaliya ka Wada Howlgalo lagu doonayo in Al-shabaab lagala wareego deegaanada ay ku sugan yihiin.