Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay Magalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii weeraray degmadaas,waxana halkaasi ka dhacay dagaal socday mudo ku dhow saacad sida dadka degmada ay u sheegeen Radio Dalsan.
Guddoomiyaha degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose Xasan Macalin Cumarey ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen degmada,isla markaana ay dhankooda iska difaaceen.
Waxa uu sheegay in halkaasi uusan ka dhicin dagaal weyn balse Al-Shabaab ay dhowr rasaas ah degmada ku soo tuur tureen kadibna ay careen sida uu hadalka u dhigay.
Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkii ay ku qaadeen degmada Marka Khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha degmada Marka.