Go’aan Maanta laga gaarayo waqtiga uu furmayo Kal-fadhiga 4aad ee Aqalka Sare

Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta la filayaa in kulan aan caadi aheyn ay ku yeeshaan Xaruntooda Magalada Muqdisho,kaas oo ay uga hadli doonaan furitaanka kal-fadhiga 4aad.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa 10-kii Bishaan diiday inay ka qeyb galaan furitaanka kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka labada Aqal oo qorshuhu ahaa in siwadajir ah loo furo balse ay dib u dhigteen.

Xubno ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Maanta ay  Go’aan ka gaarayaan xilliga la qabanayo Munaasabada lagu furayo Kal-fadhiga 4aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare oo ku Cusub Soomaaliya ayaa tan iyo markii la doortay waxaanan jirin Shaqooyin cad oo ay qabteen marka laga reebo ansixinta ajaandoyin ay horay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor