Faah faahino dheeraad ayaa ah ayaa ka soo baxaya dagaal meel aan ka fogeyn Isgoyska Sanca qeybta degmad Yaaqshiid ku dhex maray Ciidamo ka Wada tirsan dowladda Soomaaliya.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamo kale ay soo weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta oo ku guda jira howlahooda Baarista waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal khasaaro geystay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in Ciidamadii weerarka soo qaaday ay dileen laba Askari oo ku sugnaa Barta Koontorool iyaga oo qaatay hubkii ay wateen.
Xiriir ayaan la sameynay Maamulka degmada Yaaqshiid si aan wax uga weeydiino dagaalkaas balse kama jawaabin taleefoonadeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha.