Ciidamo hubeysan oo kala dhex-galay Dad-beeraleey ah oo dagaalamay

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Taliska Guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa kala dhex-galay dad beeraleey oo shalay dagaal Khasaaro geystay uu ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo shiirkaneeco oo 15 KM u jira Magaalada Baladweyne.

Saraakiisha hoggaaminaya Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in la joojiyay dagaal u dhexmarayay dadka beeraleyda ahaa ee kunool deegaanka shiirkaneeco, isla markaana haatan wadaan dadaalo lagu doonayo in lagu heshiisyo xoolada dhaqatada.

Dagaalkii shalay dhexmaray beeraleeyda oo ka dhashay muran dhul-beedeedyo ah ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka  saddex qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Magaalada Baladweyne, waxaana dhinyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Shiirkaneeco ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana deegaanka ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Xoogga dalka, sidoo kalena wada dadaalo kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media