Kumanaan Tahriibayaal ah oo maanta gaaray Dekedda Pozzalo ee dalka Talyaaniga

Ku-dhawaad 5,800 Tahriibayaal oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga soo badbaadiyeen ayaa maanta gaaray Dekedda Pozzalo ee Jesiiradda Sishiliya ee dalka Talyaaniga.

Weriye ka tirsan Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay inay Dekeddu mashquul ahayd, isla markaana Tahriibayaasha laga baarayey haddii ay qabaan cudduradda la is-qaadsiiyo.

Hawlgalka lagu soo badbaadiyey Tahriibayaashaasi ayaa waxay iska kaashaday Ciiddanka Badda ee dalalka Talyaaniga iyo Faraniiska oo iska kaashaday soo daad-gureynta Tahriibayaashaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor