Madaxweyne Waare oo wadatashi ka sameynaya Magacaabista Golihiisa Wasiirada

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo laga sugayo in uu soo Magacaabo Golihiisa Wasiiradda ayaa haatan wada wadatashiyadii u dambeeyay ee Magacaabista.

Madaxweyne Waare oo haatan ku sugan Baladweyne ayaa safarkiisa Maanta soo gaba gabeynaya isaga oo imaanaya Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ee Jowhar si uu wadatashiyo u sameeyo.

Ilo Xog ogaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in markii uu Madaxweyne Ware yimaado Jowhar uu kulamo wadatashi ah la qaadan doono Odayaasha Dhaqanka Hir-Shabeelle si uu u soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in ammaanka guud ee Magaalada Jowhar si aad ah loo adkeeyay waxaana ku sii qul qulaya Siyaasiyiin xildoon ah oo doonaya in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada Cusub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media