Weli waxaa Magaalada Muqdisho ka socda shirka u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Dhexe ee Soomaaliya kaas oo aan weli ka soo bixin wax natiijo ah.
Maanta ayay u tahay Maalintii Sideedaad ee shirkas,waxana jira qodobo qaar oo Madaxda shiraya ay isku mari la’yihiin taas oo sababtay in shirka uu waqtigiisa dhaafo.
Wararka ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in qodobada leysku mari la’yahay ay ka mid yihiin habka qeybsiga kheyraadka ka yimaada dalkeena oo Dhaqaalaha uu qeyb ka yahay Arrimaha Dastuuriga ah iyo wadashaqeynta Madaxda Maamulada iyo Dowladda Dhexe.
Weli sidhab ah looma qeexin qodobada rasmiga ah ee uu khilaafka ka taagan yahay iyada oo Warbaahinta ay banaanka ka joogto.
Hoggaamiyayaasha qaarkood ayaa aaminsan in Xukuumadda Soomaaliya ay lugweyn ku leedahay xiisado Siyaasadeed oo ka socda deegaanada Madaxda Maamulada qaarkood taas oo sii socoshada shirka hakad gelin karta.
In kastoo khilaafkaas uu jiro ayaa hadanaa waxaa macquul ah in Saacadaha soo socda la soo gaba gabeeyo wax walbana la soo afjaro.
Sikastaba Madaxda Dowladda iyo madaxda Dowlad Gfoboleedyada ayaa shirkooda uga socda Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Maalintii Sideedaad waxaa laga sugayaa in ay ka soo saaraan Warmurtiyeed ku saabsan qodobadii ay ku hehsiiyeen.