Diyaaradaan oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa waxa ay ku degtay deegaan u dhow Xadka ay wadaagaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,sida ay xaqiijisay Warbaahinta Dowladda Kenya.
Diyaaradaan oo weli wax faah faahin ah aysan ka bixin Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya ee Xadka ku sugan ayaa Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay hub siday,in kastoo aan weli laheyn halka ay ku wajahneyd.
Wararka kale oo lagu daabacay Warbaahinta Caalamka qaarkood รย ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaaradaas ay leedahay Shirkad dhanka ammaanka kala Shaqeysa Urrurada,Dowladaha iyo Shirkada gaarka loo leeyahay kuwaas oo ah qarsoodi taas oo lagu Magacaabo รย Black Water.
Goobta ay diyaaradaan ay ku dhacday ayaa ah dhul Kenyan ah oo aan cidna joogin,waxana la sheegay in markii la tegay goobtii ay ku degtay lagu arkay Diyaarada Calaamad muujineysa in laga leeyahay dalka Mareykanka,isla markaana ay u Shaqeyneysay Shirkada Black Water.