Xarunta Taliska qeybta 60,aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa lagu diyaariyay boqolaal ka mid ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya e ka qeyb qaadanaya la dagaalanka Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay haatan diyaariyeen Ciidamada ka qeyb qaadan lahaa dagaalkaas si ay u furan Wadooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab.
Taliyaha Qeybta 60,aad ee Ciidamada Xoogga dalka Ibraahim Yaroow ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya amarkii Madaxweynaha Soomaliya iyo dhamaan talisyada xoogga dalka Soomaaliya ay bilaabi doonaan dagaalkaas.
Waxa uu sheegay in iyaga iyo Shabaab uu kala dhaxeyo dagaal culus balse ay iyagu dadka Shacabka ah leynayaan taasina aysan ka aqbaleyn.
Isaga oo la hadlayay Boqolaal Askari oo loo diyaariyay dagaalkaas ayuu sheegay in Ciidamadu ay si dhaqso ah u howlgalli doonaan Al-Shabaabna loogu tegi doono Goobaha ay ku sugan yihiin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha qeybta 60,aad ee Ciidamada Xoogga dalka.