Genaraal Muqtaar Xuseen Afrax ku simaha taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ahna taliye ku xigeenka oo la hadlayay Warbaahinta ayaa hadalkaas sheegay xili la sheegayay In ay jiraan qaraxyo lag cabsi qabo in ay dhacaan.
Genaraal Muqtaar ayaa sheegay in Nabadgelyada Magaalada Muqdisho ay tahay mid aad u wanaagsan balse maalmaahan ay soo baxayeen dad buun buuninaya in ay qaraxyo ka dhacayaan Muqdisho.
“Xaqiiqdii maalmaahan dadka soomaaliyeed waa la qalqal gelinayay waxana maqlayay in ay jiraan Gawaari laga qabsaday AMISOM ayaa qaraxyo lagu fulin rabaa, waxaas waxba kama jiraan Garoonka Diyaaradahana amnigiisa waa uu wanagsan yahay ee yaan dadka qalqal la gelinin ayuu yiri Genaraal Muqtaarâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay in iyagu ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan waxkasta oo dhibaato amni sababi kara balse la doonayo in Shacabku ay Ciidamada Amniga la Shaqeeyaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Genaraal Muqtaar Xuseen Afrax.