Dadka ku nool deegaanada kala duwan ee Soomaaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad tan iyo markii uu gobolkaasi ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, in ka badan shan iyo labaatan sanno ka hor.
Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay rajaynayaan in codbixinta ay xoojin doonto kiiskooda ay ku baadigoobayaan aqoonsiga caalamiga ah.
Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.
Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.
Mas’uuliyiinta Soomaaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.
Doorashada Maanta ka bilaabtay deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ku tartami doona musharixiinta kala ah Feysal Cali Waraabe, Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro.