Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa in Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ay ku yeeshan kulankoodii caadiga ahaa.
Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in ay Kulanka Maanta ka soo qeyb galaan.
Ajendaha Kulanka Maanta ayaa noqon doona Akhrinta Koowaad Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibroow ayaa Baarlamaanka ka hor akhrin doona muhiimada Hindise Sharciyeedkaan.
Intaasi kadib xildhibaanada ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiiban doona Hindise Sharciyeedkan iyo hadii isbedel lagu sameynayo.