Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan dhamaan Maamulada dalka ka jira iyo Ciidmada AMISOM.
In kastoo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo Gobolada dalka Soomaaliya hadana weli siramsi ah uma uusan bilaaban dagaalkaas,waxana dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada ay sheegeen in ay u diyaar garoobeen.
Xogheyaha Gaashaandjhiga Ahlusunada Kooonfureed Sheekh Xuseen Isxaq Mursal Geesa Dheere oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in dhankooda ay u diyaar garoobeen dagaalkaas.
Waxa uu sheegay in Ciidamadooda ay ka howlgalaan Gobolada Koonfureed gaar ahaan gobolka Gedo sidaas dareedna ay diyaar u yihiin in ay dagaalkas dalka looga xureynayo Al-Shabaab ka qeyb qaataan sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystirn.