Ciiddanka Talyaaniga ee qeybta ka ah Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe ee ku sugan Xeebaha Somalia ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 6 Burcad-baddeed Soomaali iyo Dooni ay wateen, kuwaasi oo ku fashilmay inay qafaashaan Markab nooca qaada Kontaynaradda, kaasi oo culayskiisu dhamaa 53,000 oo Tan iyo Dooni Kallumeysi.
Markabka Dagaalka Talyaaniga ee lagu magacaabo ITS Virginio Fasan ayaa gacanta ku dhigay Burcad-baddeedaasi oo la sheegay inay dhowr Gantaalladda Garabka laga tuuro ee  RPG ku weerareen Markabka Xamuulka, inakstoo aysan Shaqaalihii la socday Markabkaasi wax ku noqonin Weerarkaasi.
Dhinaca kale, Ciiddanka Badda Talyaaniga waxay sheegeen inay 6-da Burcad-baddeed ku wareejin doonaa Maamulka awood u leh inay Sharciga soo taagaan.
Xigasho:Â eunavfor.eu